Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada Puntland Oo goor dhow la ansixiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

 Garoowe (SMN) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa maanta golihiisa wasiirada horgeeyay xubnaha baarlamaanka maamulkaasi, si ay u siiyaan codka kalsoonida.

Saciid C/laahi Deni ayaa xildhibaanada ka dalbaday in ay ansixiyaan xukuumadda cusub, si uu uguda galo ballan qaadyadii uu sameeyay, xilligii doorashada.

Intaasi ka dib waxaa la guda galay hadal jeedinta wasiirada oo ka sheekeynayay taariikhdooda iyo waxa ay qaban doonaan marka la meel mariyo.

Golaha wakiilada Puntland oo ka kooban 66 xubnood ayaa fadhigan waxaa soo xaadiray illaa 63 Mudane, waxayna ugu dambeyn cod-aqlabiyad leh ku ansixiyeen golaha wasiirada cusub ee dowlad goboleedka Puntland.

Laga bilaabo maanta xukuumaddan oo horay loo dhaariyay ayaa guda gali doonta waajibaadka dadka iyo deegaankaba ka saaran, waxayna bulshada reer Puntland uga fadhiyaan waxqabad muuqda oo daboolaya baahiyahooda.

The post Golaha wasiirada Puntland Oo goor dhow la ansixiyay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this