Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo qaadeyso dagaal ka dhan ah Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Saraakiisha nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay qaadayaan weerar milatari oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Guddiga xiriirka howlgallada milatari ee Midowga Afrika ayaa xusay in qorashahaasi uu qeyb ka yahay waajibaadka howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Howlgalladaasi ayaa waxaa saraakiisha AMISOM ay sheegeen in lagu bartilmaameedsan doono Al Shabaab, islamarkaana looga saari doono deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Ku xigeen madaxa AMISOM ee Soomaaliya Simon Mulongo ayaa xusay in u jeedka howlgalkaasi uu yahay mid lagu taageerayo qorshaha ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, islamarkaan lagu sugayo xasiloonida dalka.

Mr Mulongo ayaa hadalladaasi ka jeediyey kulan shan maalmood magaalada Muqdisho ugu socday saraakiil ka tirsan AMISOM,madax ka soctay dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan dalalka beesha caalamka.

Ugu dambeyn taliyaha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Gen Tigabu Yilma ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay door weyn ku yeelan doonaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Source:-AMISOM

The post AMISOM oo qaadeyso dagaal ka dhan ah Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this