Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil dhalinyaro ahaa Oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa maanta wiil dhalinyaro ahaa ku dilay gudaha Suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay qeybta Cabadalle Shideeyaha  ee suuqaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.

Raggan oo labo gaarayay ayaa lagu soo warramayaa  in toogasho ay ku dileen Marxuumka, kadibna ay si aayar ah uga baxsadeen halkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay uu ahaa farsamayaqaan sameyn jiray Makiinadha lagu shiido Qudaarta, walow aan la ogeyn sababta ka dambeysa dilkiisa.

Sidoo kale ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay in ay ka dambeysay masuuliyadda dalkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Mudisho ka dhacayay falal amaan dari oo u badanb dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab.

The post Wiil dhalinyaro ahaa Oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this