Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydadka Raggii weeraray Hotel Dusit Oo loo qaaday Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada FBI-da Mareykanka ay qaateen Meydadka raggii ka tirsanaa Al Shabaab ee bishii la soo dhaafay weeraray Hotelka DusitD2 ee magaalada Niarobi.

Saraakiishani ayaa u sheegay wargeyska The Nairobi in waaxda FBI-da ay dalka Mareykanka u dhoofiyeen Meydadka 5 ka mid ah raggii weeraray hotelkaasi iyo haraadiga mid ka mid ah dagaalyahannaadasi  oo is qarxiyay, islamarkaana ay baaritaano dheeraad ah ku soo sameynayaan.

Ciidamada Mareykanka oo ay wehliyaan kuwa dalka Kenya ayaa la sheegay in ay dhowr maalmood baarayeen qaabkii uu u dhacay weerarkaasi.

Sidoo kale Booliska Kenya ayaa ninkii is qarxiyay magaciisa ku sheegay Maahir Khaalid, walow  aysan shaacin magacyada ragga kale.

 Bartamihii bishii January ee sanadkan ayey aheyd markii Al Shabaab weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen M/Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Source:The Nairobi

The post Meydadka Raggii weeraray Hotel Dusit Oo loo qaaday Mareykanka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this