Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo ballan-qaadyadiisa kordhiyay si loogu ansixiyo xukuumadda cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida maanta Baarlamanka horgeeyey golaha xukuumadda cusub ee uu soo dhisay 10-kii bishan Febraayo 2019, si ay helaan codka kalsoonida.

Kulanka golaha wakiilada ayaa waxaa goobjoog ahaa, madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo ku-xigeenadiisa, mudanayaasha golaha Wakiillada, xubnaha wasiirada  cusub ee Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa khudbad uu ka horjeediyay  mudanayaasha golaha wakiillada ku weydiistay, in ay u ansixiyaan xukuumadda cusub si looga dhabeeyo ballanqaadkiisi doorashada ee ahaa Tayeyn iyo Tiigsi.

Sidoo kale wuxuu khudbaddiisa ku soo daray ballan-qaadyo cusub oo ay kamid yihiin; in uu xoojin doono awoodda Puntland u leedahay, gelidda heshiisyo maalgeshi oo caalami ah iyo in uu dhaqan-gelin doono, miisaaniyad u gaar ah soo celinta, difaaca iyo horumarinta gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Waxaan ka codsanayaa xubnaha golaha wakiillada, inay ansixiyaan xubnaha golaha wasiirada cusub ee idin horjooga maanta, wakhtina u siisaan inay u adeegaan bulshada reer Puntland, waxaan ku kalsoonahay inaad codsigaas naga aqbali doontaan” ayuu yiri mudane Deni.

Halkaan ka daawo

aaa-1.jpg?w=1000&ssl=1 bbb.jpg?w=1000&ssl=1 ccc.jpg?w=1000&ssl=1 ddd.jpg?w=1000&ssl=1 eee.jpg?w=1000&ssl=1 1-2.jpg?w=1000&ssl=1 2-1.jpg?w=1000&ssl=1 3.jpg?w=1000&ssl=1 fff.jpg?w=1000&ssl=1 ggg.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo ballan-qaadyadiisa kordhiyay si loogu ansixiyo xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this