Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Baarlamanka oo ansixiyay xukuumadda cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay, xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

63 mudane oo fadhiyay kulanka maanta, ayaa dhammaantood si wadar ah codka kalsoonida u siiyay, xukuumadda cusub ee la horkeenay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Golaha wasiirada cusub, oo Sabtida maanta uu madaxweynuhu horgeeyay mudanayaasha Baarlamanka, si ay kalsoonida u siiyaan, ayaa mid-mid looga dhegaystay taariikh-nololeedkiisa iyo aqoontiisa shakhsiga ah oo ay ka hor-akhriyeen golaha wakiilada.

Inaasi kadib, madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka horjeediyay Baarlamanka, ayaa weydiistay in ay u ansixiyaan xukuumadda, si looga dhabeeyo ballan-qaadyadiisi ol’olaha doorashada ee Tayeyn&Tiigsi iyo qodoba cusub oo uu ku xoojiyay.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Puntland: Baarlamanka oo ansixiyay xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this