Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil dhallinyaro ah oo lagu dilay suuqa Bakaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubaysan ayaa goor dhaw Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ahaa oo gudaha Suuqa lagu dhex dilay.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Masjidka Shuhadaa oo ku dhex yaallo Suuqa Cabdalla Shideeyaha Bakaaraha, kadib markii laba nin oo hubaysan ay toogteen wiilkaan dhalinyarada ahaa.

Dilka kadib kooxihii hubaysnaa ayaa ka baxsaday goobtii ay dilka ka gaysteen, waxaana mar kaliya Suuqa Cabdalla Shideeye ku kala cararay dhalinyaradii halkaasi ku ganacsaneysay.

Lama oga ruuxa la dilay waxa uu yahay & sababta ka dambeysa dilkiisa, balse Kooxaha hubaysan ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha ku dila dadka ay u arkaan inay ka feker duwan yihiin.

Al Shabaab & Daacish ayaa sidoo kale dilal kala duwan ka gaysta Magaalada gudaheeda, iyaga oo xilliyada qaar muqaal ka duuba shaqsiyaadka ay dilayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this