Deeq A. Posted February 16, 2019 Axmed Cabdinuur oo ka mid ah weriyayaasha ugu caansan muddada fogna ka shaqeynayey laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa maanta la shaaciyey inuu shaqada ka tagayo, maalin kadib markii sidan oo kale uu shaqada uga tagay Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq. Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho. Maaddaama ay BBC-da soo wareejineyso barnaamijyadeeda ka imaan jiray London waxaa shaqada ka tegaya inta badan shaqaalihii raadiyaha ee ka howl gali jiray xarunta London. Waxaan idin soo gudbineynaa waayihiisa weriyennimo intii uu la joogay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC iyo waxyaabihii u la soo kulmay intii uu saxaafadda ku soo jiray. Muqdisho ayuu uga soo warrami jiray iddaacada, wuxuuna ka sheekeynayaa waxyaabihii uu la kulmay intii uu ka shaqeynayay magaaladaasi. ”Waqti adag ayay ahayd, waayo magaaladu waxay u qaybsanayd waqooyi iyo koofur oo ay kala xukumayeen hoggaamiye-kooxeedyo aad isaga soo horjeeday. Dalkana sharci iyo kala dambayn kama jirin waqtigaas, BBC-duna waxay ahayd isha keliya ee laga heli karo warar Soomaaliyeed oo sax ah”. Siyaasiyiinta qaar ama taageerayaashooda ayaa hanjabaad ii soo diri jiray sida “waan ku dilaynaa” marka ay dhibsadaan warbixinta aan sii daayay, waayo waxay rabaan in warka loo dhigo sida ay iyagu jecel yihiin. Mid ka mid ah ayaa maalin igu canaantay “horta maxaad warka u baraxdaa waxa aan kuu sheegay oo keliya maad sheegtid”. Aad ayaan uga taxaddari jiray waxa aan idaacadda ka sheegayo, waxaana iska ilaalin jiray inaan xiriir dhow oo gaar ah la yeesho dhinacyada siyaasadda isku haya midkood. Waxaa kaloo dhibaato ahayd sidii wararka lagu heli lahaa iyadoo isgaarsiintii dalku burburtay markii ay dhacday dowalddii milateriga 1991-dii. Marka aad warka diyaarisana waxaa dhib ahayd sidii aad u soo diri lahayd sababtoo ah Internet iyo telefoonka gacanta ma jirin waxaa keliya oo la adeegsan jiray telefoonka guriga oo tayadiisu aanay aad u wanaagsanayn. Codadka iyo waraysiyada waxaan ka shidi jiray rikoor markaas ayaan telefoonka saari jiray si studio London loogu duubo. Wuxuu u soo wareegay xafiiska Nairobi Si dhaqso ah ayaan ugu soo caanbaxay shaqada fiican ee Muqdisho aan ka qabtay wuxuuna madaxii laanta, Maxamed Cabdullaahi ii fidiyay fursado aan ku sii horumaro sida tababarro aan London u imid iyo inaan marmar si ku-meel-gaar ah uga shaqeeyo xafiiska Nairobi oo berigaas uu joogay Allaha u naxariistee Axmed Maxamed (Taajir) oo keliya. Intii aan xafiiskaas ka shaqeynayay waxaa dhacay qaraxyadii Al-Qaacida ku qaadday safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daresalam. Keligey ayaa waqtigaas xafiiska joogay, waayo Axmed London ayuu ku maqnaa. Idaacad kasta oo baxaysa war ayaan u soo diri jiray. Kaddibna xafiiska London Markii dambena, sanadkii 2000 London ayaa shaqo laga iga siiyay, muddo sanad iyo bar ah dabadeedna waxaan qaatay fasax lacag la’aan ah. Labo sano kaddib ayaan BBC-da ku soo laabtay wixii waqtigaas ka dambeeyayna London ayaan ka shaqeynayay marna weriye madax bannaan ayaan ahaa marna shaqaale rasmi ah. Shaqada London qudheedu ma sahlanayn, waayo shaqaale yaraan ba’an ayaa na soo martay. Waxaa jirtay beri aan keligey qaban jiray shaqooyinka soo saare, tebiye, war akhriye iyo farsamayaqaan oo weliba xilli habeen ah si barnaamijka subaxii u baxo. Muddadaas dheer ee aan saxaafadda gudaha iyo tan caalamka ku soo jiray, laga soo bilaabo 1982, waxyaabaha is-beddelay waxaa ka mid ah: qaabka dadku u fekero, waagii aan warbaahinta dowladda Soomaaliya ka shaqayn jiray lama oggolayn in su’aal adag la weydiiyo madaxda sare, hase yeshee kuwa maanta jooga fursaddaas ma haystaan waayo wax adag iyo wax aan jirin intaba waa la weydiiyaa. Kaalinta haweenka ee ka qayb galka hawlaha warbaahinta ayaa iyaduna si weyn isu-beddeshay oo tiradoodu aad u korortay. BBC waa hay’ad aad u wanaagsan marka la eego qaddarinta shaqaalaheeda iyo ka go’naashaha inay dhegeystayaasheeda siiso warar run iyo dhexdhexaad ah. Axmed Cabdinur ayaa BBC-da la shaqeynaayay ku dhowaad 25sano. Xigasho: BBC Somali Share this post Link to post Share on other sites