Deeq A. Posted February 16, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil shalay gelinkii dambe ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Jungal. Nin la sheegay in uu ka tirsanyahay ciidanka dowladda ayaa dilay gabar lagu magacaabay Fardowsa Abuukar Maxamed, oo ahayd gabar dhallinyaro ah. Ka hor askariga inta uusan toogan marxuumadda, ayaa waxaa la sheegay inay murmeen kadib markii gabadha la dilay ay isku dayday in askariga oo kala ceyrinayay dhallinyaro kubad ciraayeysay ay ka furdaamiso balse mar qura uu dhowr xabadood madaxa kala dhacay, sida ay sheegeen dad goobta ku sugnaa xilliga uu dhacayay falkaan naxdinta badan. Allaha u naxariistee marxuumad Fardowsa Abuukar Maxamed, ayaa rasaastii ku dhacday isla goobta ugu geeriyootay. Fardowso Abuukar Maxamed oo ah marxuumadda la dilay waxa ay aheyd xaas leh caruur yar-yar, eheladeeda ayaana Warbaahinta u sheegay in loo qaaday meydkeeda xarunta dembi barista ee CID-da ee Magaalada Muqdisho. Askariga gacan ku dhiiglaha ah ee geystay dilka naxariis darada ah oo lagu magacaabo Bulxan ayaa durba goobta ka baxsaday waxana la sheegay inuu u baxsaday dhanka degmada Dharkeynley. Sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska oo goor dhow la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay inay ku daba joogaan gacan ku dhiiglaha isla markaana ay gacan kusoo dhigi doonaan. Dilalka shacabka ee ay gaystaan ciidamada dowladda ayaa kusoo badinaya magaalada Muqdisho, waxaana muuqan wax siyaasad ah oo wax looga qabanayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites