Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumada Muuse Biixi oo Jeelka ku gurtay Xubno ka tirsanaa Xukumada Kulmiye oo Musuqmaasuq lagu helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar xog-ogaal aanu goor dhawayd helnay ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ay xabsiga u taxaabtay maareeyihii hore ee madbcada qaraka Somaliland Siciid Saalax Shire iyo agaasimihii maamulka iyo lacagta ee madbacada qaranka Cabdikariin Cabdilaahi Cumar.

Mas’uuliyiintan ayaa loo haystaa falal musuqmaasuq kadib markii baadhis uu hanti dhawrku sameeyey ay wararku sheegeen in lagu helay falal musuq-maasuq oo ka dhacay madbacada qaranka muddadii ay maamulkeeda gacanta ku hayeen masuuliyiintani.

Arinkan weli dawladu dhinaceeda kamay hadal, waxaana la filayaa in ay soo bandhigi doonto sababta ka dambaysay xadhiga masuuliyiintan.

Wararka aanu helayno ayaa waxa ay intaa ku darayaan in  agaasimihii maamulka iyo lacagta ee madbacada qaranka Cabdikariin Cabdilaahi Cumar laga goobta shaqada isaga oo ku guda jira hawl maalmeedkiisa shaqo, halka maareeyihii hore ee madbcada qaraka Somaliland Siciid Saalax Shire xalay laga qabtay gurigiisa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this