Deeq A. Posted February 16, 2019 Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in duleedka degmadaasi ay howlgallo ballaaran ka wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan oo u warammay Goobjoog waxay sheegeen iney ku raad joogaan xubno ka mid ah Al-shabaab oo weerar ka geystay deegaanka Tixsiile ee Sh/hoose. Sidoo kale, saraakiishan ayaa sheegay iney howlgalkan kaga hortagayaan weeraro kaga yimaada dhanka Xarakada Al-shabaab. Weli lama sheegin cid lagu soo qabtay howlgalkan, iyadoo weli ciidamada ay baarayaan xaafadaha ku yaalla halkaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites