Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Ducaale Oo fariin u diray ciidanka amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) Wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo la hadlayay warbaahinta ayaa faray ciidamada dowladda ee ku howlan sugida amniga Muqdisho in ay wanaajiyaan la dhaqanka bulshada.

Wasiir Ducaale ayaa uga digay askarta in ay ku xadgudbaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay in ay xoojiyaan wada shaqeynta shacabka, si looga hortago falalka amaan dari ee ka dhaca M/Muqdisho.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

The post Wasiir Ducaale Oo fariin u diray ciidanka amniga Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this