Sign in to follow this  
Deeq A.

Suxufi lagu xiray magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu xiray wakiil-wareedkii telefishinka Bulsho Tv ee gobolka Sool Cabdiraxmaan Kayse Tunkub.

Maamulka gobolka Sool ee Somaliland ayaa amray in xabsiga loo taxaabo suxufigan sida ay xaqiijiyeen weriyaal ku sugan magaalada balse maamulka ayaan weli faahfaahin ka bixin xarigiisa.

Tan markii madaxweyaha Somaliland loo doortay Muuse Biixi Cabdi waxaa magaalooyinka Burco iyo Hargeysa lagu xiray dad kala duwan oo ay ku jiraan suxufiyiin, abwaanno, aqoonyahanno iyo isimo.

Sidoo kale magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa lagu xiraa dadka diiddan Somaliland iyo suxufiyiinta wax ka duuba.

PUNTLAND POST

The post Suxufi lagu xiray magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this