Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Kulmiye oo kala jabay iyo xubno ku dhawaaqay inay yihiin GARAB CUSUB

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in xubno ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye ay ku dhawaaqeen garab cusub oo ka tirsan xisbigaasi.

Xubnaha warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay yihiin garab cusub oo ka tirsan xisbiga Kulmiye.

Xubnaha ayaa shaaciyay inay yihiin Badbaadinta Dimuqraadiyadda Xisbiga Kulmiye, waxaana shaqsiyaadka ku dhawaaqay garabka cusub ku dhawaaqay kamid ah Jaamac Shabeel, Prof: Cabdi Cali iyo Abwaan Cismaan Kujare.

Sidoo kale waxaa durba soo baxday in xubnaha xisbiga xisbiga ka jawaabeen hadalka xubnahaan kasoo yeeray, waxaana ay sheegeen in horey ay kaga baxeen kamid ahaanshaha xisbiga Kulmiye.

Waxaa muuqata in khilaaf cusub uusoo kala dhex halay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye oo hadda wajahaya cadaadiskii ugu badnaa ee kaga imaanaya xisbiyada kale ee mucaaradka ku ah xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Biixi.

Xubnaha ku dhawaaqay Badbaadinta Dimuqraadiyadda Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in xisbiga Kumiye uu ku caan baxay musuq maasuq iyo horumarin la’aanta dadka deegaanka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this