Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiradii Kulmiye ee Xamar tegay Waxay aaminsan yihiin & Ciday Sahanka u yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

SAHANKII KULMIYE SOW MAAHA!

dhako.jpg
Waxaan maalmahan ku arkaayey website yada
Somalida warar sheegay in siyaasiyiin ka soo jeedo Somaliland ay tageen dhankaa iyo Muqxisho. Hadaba waxaan ku sameeyey baadhid waxa ay ahaayeen ragan iyo waxa ay aaminsanaayeenba. Ugu horeyn la a ka mid ah waxa ay ka soo shaqeeyeen dowladdii madaxweyne Dahir riyaale oo ay ka soo qabteen xilal, ka dibna waxa ay ku biireen xisbiga talada haye ee kulmiye oo ka gaadheen ilaa heer wasiir ku xigeeno.
Ilaa maantadaa meel ay xisbigii kulmiye kaga baxeen maan arag maan maqal, oo xitaa xisbigii kulmiye muu eryin oo war kamuu soo saariin erigooda sidii dhawaan cubns xisbiga uu uga saareyba. Kolkaa waxaan ka fikiray laba arin in uu mid uun xisbigii ay ka tisanaayeen ka fikiray oo kala ah (a) in uu yidhaado markaa horaba  waxay ahaayeen reer hebel oo waa somaliweyn. (b) tan labaad oo ah in Isla kulmiye ay is ogaayeen oo ay u soo sahaminayaan. Waayo wasiir ku xigeenka guduhu siddii la doonayey ugama hadlin, xisbigiina iskaba dhaaf shib ay ka tidhaahdeen.
Markaan dib u eegay cajaladihiu ololaha kulmiye waxaan arkay iyaga oo leh wadani waa somaliweyn, maantase miyaanay iyaga ku cadeyn oo markhaatigii la waxa arkeyn. Ugu danbeyntii wey ku cadahay ee umada runta ha u sheegaan Waayo iyagaa sharcigii badalay oo xalaal ka dhigay in qofkii doonaya uu tagi karo kana iman karo Muqxisho.
Abdi Abdi
madoobe2@hotmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this