Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Cawad oo la kulmay dhiggiisa dalka Sweden

Recommended Posts

Deeq A.   


Stockholm (SMN)
– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay Magaalada Stockholm dhiggiisa Sweden Marwo Margot Wallström, isagoo la yeeshay wadahadal ku qotoma qaabka lagu xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Sweden iyo arrimaha gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Marwo Margot Wallström waxa ay tilmaameen muhiimadda ay leedahay wax wadaagga Soomaali iyo Sweden iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo.

Sidoo kale labada masuul ayaa adkeeyey sii socoshada howsha wadaagga ah ee dhinacyada badan leh ee wax isdhaafsiga labada dal ah.

The post Wasiir Cawad oo la kulmay dhiggiisa dalka Sweden appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this