Deeq A. Posted February 16, 2019 Afgooye (SMN) –War ka soo baxay Al Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weerar xoogan oo ay shalay ka fuliyeen saldhigga ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarkan oo ahaa mid loo adeegsaday madaafiic ayaa waxa ay Al Shabaab ay sheegeen in ay ku dileen illaa 3 askari oo Ameerikaan ah iyo 5 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Bankarafta Soomaaliya. Sidoo kale Al Shabaab ayaa intaasi ku daray in weerarkaasi ay ku dhaawaceen illaa 8 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo haddama jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda iyo taliska Mareykanka ee AFRICOM oo ku aadan weerarkaasi. Muddooyinkii dmabe ayaa waxaa gobolka Shabeelaha Hoose ka dhacay dagaallo u dhexeeyay Al Shabaab iyo ciidadmada dowladda federaalka Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo guulo ka sheegtay weerarkii Balidoogle appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites