Sign in to follow this  
Deeq A.

Goodax Barre “S/land ayaa ku jirta meelaha aan ka baadi goobeyno hantida Qaranka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta iyo dib u soo celinta Hantida Qaranka Ahna Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somalia Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in Gobollada ay ka baadi goobi doonaan Hantida Qaranka iyo goobaha danta guud kaliya aysan ahayn Koofurta Somalia balse ay qeyb ka yihiin Gobollada Waqooyi oo uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoosta ka xariiqay in shaqsiyaadka sheega in Magaalada Muqdisho kaliya u jeedka guddigooda loo aasaasay uu yahay ay tahay mid laga leeyahay dano shisheeye hayeeshee ay Bartilmaameed ka dhigan doonaan meel kasta Hantida qaranka ay taallo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta iyo dib u soo celinta Hantida Qaranka ayaa Carab dhaway  goobaha ugu Muhiimsan ee guddigu doonayaan in gacanta dowladda ay dib ugu soo celiyaan iyo qorshahooda ku aadan in ay ugu horreyn Xog Uruurin goobahaas la xiriira sameeyaan taas oo ay u soo bandhigi doonaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Guddigaan ku dhawaaqay 12-kii December ee Sanadkii aan ka soo gudbnay 2018 waxaana uu ka dhawaajiyay in guddigaan uu uga golleeyahay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen gacanta dowladda Hantida Ma guurtada ah ee Danta Guud maadaama haatan inbadan oo ka mid ah ay shaqsiyaad si gaar ahaaneed u adeegsadaan.

The post Goodax Barre “S/land ayaa ku jirta meelaha aan ka baadi goobeyno hantida Qaranka” appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this