Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo shaacisay farriin ay Midowga Afrika gaarsiisay iyo rajadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay inay shirkii Midowga Afrika ay gaadhsiiyeen farriimo ku saabsan qaddiyadda Somaliland.

Mar uu ka hadlaayey Shirka Afrika iyo qadiyada Somaliland ayaa wuxuu Faratoon waxa uu yidhi “Qadiyada Somaliland meel wanaagsan bay maraysaa, qadiyada Somaliland waa qadiyad uu Caalamka ka wada dharagsan yahay”

Waxa uu intaas ku daray “Shirkii Afrika ayaanu ka nimid, Shirkana Afrika qadiyadeena aad baa loola socday, oo looga dharagsanaa, qadiyadeena iyo waxaa inoo hirgalay waa mid Caalamku inooga markhaati furay, wakhtiga ay doontaba ha inagu qaadato waa hubaal in rajadeena iyo hamigeenu dhab noqon doono, si rasmiyana u heli doono waxaynu rabno”

Faratoon ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland “waxaa Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba leeyahay marnaba ha niyad jabina ee qadiyadiina iyo qaranimadiina sii xoojiya, Xukuumad ahaana waxaanu diyaar u nahay dariiqa ay doontaba ha nagu qaadatee in aanu kaga dhabeeyno rajada Shacabkayaga.”

Mar uu ka hadlaayey xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Beesha Caalamka ayaa Faratoon waxa uu yidhi “Siyaasadda Xukuumadda waxaa ka mid ah in aanu mar walba awooda saarno sidii aanu u hagaajin lahayn xidhiidhka inaga dhexeeya Wadamada Caalamka, dhabihiina waanu ku taagan nahay, oo imika waxaa jira Wadamo badan oo ka mid ah Wadamada jaarka iyo kuwa Caalamka oo xidhiidh fiicani inaga dhexeeyo, waxaana rabnaa in aanu cid walba ku qancino jiritaanka Somaliland”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this