Deeq A. Posted February 16, 2019 Stockholm (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay magaalada Stockholm dhiggiisa Sweden Marwo Margot Wallström. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cawad uu , Wallström la yeeshay wadahadal ku qotoma qaabka lagu xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Sweden iyo arrimaha gobolka. Cawad iyo Margot waxa ay tilmaameen muhiimadda ay leedahay wax wadaagga Soomaali iyo Sweden iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo, waxa ayna adkeeyeen sii socoshada howsha wadaagga ah ee dhinacyada badan leh ee nafci is dhaafsiga ah. Share this post Link to post Share on other sites