Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydadka Al Shabaab-kii Weeraray Hotel DUSITD2 oo loo qaaday meel ka baxsan dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dalka Mareykanka loo qaaday meydadka raggii bil ka hor weerarka ka geystay Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi.

Meydadka oo gaaraya lix ruux ayaa lagu waramayaa in dalka Mareykanka loogu qaaday si halkaasi baaritaano dheeri ah loogu sameeyo, sida ay sheegeen masuuliyiin u hadlay dowladda Kenya.

Ilo xog ogaal ah ayaa wargeyska Nairobi News u xaqiijiyay in FBI-da Mareykanka ay dalkaasi u qaateen meydadka shan ruux oo ciidamada amaanka ay toogteen iyo ruuxa lixaad haraadigiisa maadaama ii isqariyay.

Warar kale ee soo baxaya ayaa sheegaya in baaritaanka lagu sameynayo meydadka ragga weeraray hotelka DUSIT ee xaafadda Westland ay lug leeyihiin xubno ka tirsan sirdoonka maamulka Israel ee Muusaad loo yaqaan.

Dhowr maalmood kaddib ayaa wakiillo ka kala socda FBI-da iyo Muusaad ay ku sugnaayeen Hotelka iyada oo adeegsanayay Kiimikooyin si ay u ururiyaan haraadiga hilbaha laga helay goobta weerarka kaddib, waxaa ay Mareykanka u qaadeen meydadka xubnaha weerarka fuliyay.

Agaasimaha Laanta dambi baarista ee dalka Kenya George Kinoti ayaa dhawaan shaaciyay in khuburo caalami ah ay ka qeyb qaadanayaan baaritaanka meydadka, balse wuxuu xiligaasi sheegay in gudaha Kenya lagu sameyn doono baaritaanka.

Weerarkii Hotelka Dusit D2 ee Nairobi ayaa dhacay 14kii January,waxaana la soo gaba gabeeyay 15kii Bishaas,iyada oo dowladda Kenya ay sheegtay in weerarkaas ay ku dhinteen 21 qof oo isugu jira Kenyaan iyo ajaanib u dhashay Mareykanka,UK Koofur Afrika iyo kuwo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this