Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Sh/Hoose oo ka hadlay Weerar ka dhacay saldhiga ciidamada Mareykanka ee Bali doogle

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online)-Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay hadal kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadanaa inay weerar xoogan ku qaadeen saldhiga ciidamada Mareykanka ku leeyahay gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Balidoogle.

Saldhigaasi oo ah midkii ciidamada cirka Soomaaliya ayaa waxaa lagu tababaraa ciidamada dowladda Soomaaliya, waana saldhiga Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya, iyadoo dhawaan la sheegay in la dhiso doono waddo ka baxeysa Balidoogle oo tageysa dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Maxamed Ibraahim Barre ayaa xaqiijiyay wararka la xiriira in madaafiic lagu weeraray saldhiga Balidoogle, waxaase uu sheegay in madaafiicda ay ku dhaceen meel ka baxsan xerada islamarkaana Al Shabaab ay goobta isaga baxsadeen.

Guddoomiye Barre ayaa xusay in ciidamada amaanka ay hadda wadaan baaritaanka ay ku raadinayaan xubnaha Al Shabaab ee madaafiicda ku weeraray saldhiga Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal Al Shabaab ay baahiyeen ayaa lagu sheegay inay weerareen saldhiga ciidamada Mareykanka ee Shabeelaha Hoose, islamarkaana ay jiraan khasaaro gaaray saldhiga, sida qoraalka ay ku sheegeen.

Ma jiro war kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee ku sugan Balidoogle, waxaana adag in xog badan laga helo gudaha saldhiga.

Caasimada Online
Xafiiska Sh.Hoose
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this