Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada Puntland oo todobaad kadib wajahaya Tijaabadii ugu adkeyd

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa todobaadkii hore Maalintii Axadda soo magacaabay xubnaha golaha wasiirada maamulkiisa oo ka kooban 48 xubnood.

Golaha wasiirada Puntland ayaa wajahaya tijaabadii ugu adkeyd waxaana ay u baahan yihiin inay helaan codka kalsoonida xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland oo maalinta beri ah la horgeyn doono.

Arinta culeeska ku ah golaha wasiiradda ayaa ah in xildhibaanada qaar ay saluugsan yihiin hanaanka madaxweyne Deni uu usoo magacaabay golaha wasiirada, waxaana taasi ay tahay kalsooni darada koowaad ee ay qabaan inay codka waayaan.

Arinta labaad ayaa ah in beelaha iyo odayaasha dhaqanka ay dhaliilsan yihiin qaabka loo maray awood qeybsiga wasiirada uu soo magacaabay madaxweyne Deni, waxaana taasi ay dhalin karaa in xildhibaanada u diidaan codka kalsoonida.

Arrinta seddexaad ayaa ah in madaxweyne Deni uu albaabada ka xirtay odayaasha dhaqanka markii uu waday la tashiyada xulidda golaha wasiirada, taasi oo dad badan ka careysiisay.

Waa tijaabadii ugu adkeyn ee ay marayaan golaha wasiirada, waxaana kadib horyaala fulinta balanqaadyadii uu sameeyay madaxweyne Deni, isaga oo isku haleynayay wasiirada uu la imaanayo.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in golaha wasiirada hortagaan baarlamaanka iyaga oo weydiisanaya codka kalsoonida.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this