Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab Oo Madafiic Ku Weerartay Goobo Soomaaliya Ka Tirsan.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Baar-Sungaani) Wararka ka imaaanaya Deegaanka Baar sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab xalay madaafiic ku garaceen deegaankaasi.

8A400D77-89C4-4215-9F9F-AB6F3DF16EC1.jpe

Madaafiicda ayaa la soo warinayaa in ay ku dhaceen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay madaafiicda lagu garaacay saldhig ay ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka baar sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in madaafiicda ay la beegsadeen saldhig ku yaala deegaanka baar sanguuni, islamarkaana ay khasaaro gaar siiyeen ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan Saldhigaasi.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha jubbaland ee ku sugan deegaanka baar sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this