Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalad beni’aadanimo oo ka taagan agagaarka Beledwayne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledwayne (SMN) – Qaar kamid ah shacabka danta yar ee ku dhaqan Beledwayne iyo duleedka magaaladaasi ayaa waxaa lasoo daristay xaalad beni’aadanimo oo aad u daran.

Dadka ayaa ka cabanaya in ay haysto biyo yari, taasi oo ka dambeysay markii uu guray wabiga Shabelle kaasi oo ay ku tiirsanaayeen dadka ku nool degaanada dhaca gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Shacabka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ku adag tahay helida isticmaalka biyaha oo nolasha aadanaha muhiim u ah, waxaana ay sheegeen in qiimaha la siisto biyaha ay sare u kacday.

Mas’uuliyiinta dowlada iyo maamul goboleedka HirShabelle ayay cod dheer kaga dalbadeen in ay soo gaarisiyaan gargaar biyo oo deg deg, si nolal maalmeedkooda caadig ah dib ugu soo laabato.

The post Xaalad beni’aadanimo oo ka taagan agagaarka Beledwayne appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this