Sign in to follow this  
Deeq A.

M/Yurub: “Wali way jirtaa khatarta burcad-badeeda Somalia”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Howlgalka Atlantic ayaa sheegay in wali xeebaha Soomaaliya ay ka jirto khatarta burcad-badeeda qafaasha maraakiibta.

Marco Guerriero oo ka tirsan ciidamada badda Talyaaniga ee howlgalkaasi ayaa shaaciyay in ay dar-dargelinayaan guluf ka dhanka ah burcad-badeeda.

“Dhalinyarada burcad-badeedku dib ayey isku soo abaabuleen…waxayna doonayaa in ay fuliyaan weeraro,” ayuu yiri Guerriero.

Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyay in howlgal roondo ay dhowaan ka sameeyeen biyaha u dhaxeeya Somalia, Yemen, Jabuuti iyo Eritrea.

Howlgalka Atlantic, oo uu taageero Midowga Yurub, ayaa waxaa kaga sugan biyaha Soomaaliya maraakiib la dagaalanta kooxaha burcad-badeeda.

Kooxaha burcad-badeeda Soomaalida oo soo shaac-baxay intii u dhaxeysay 2008-kii iyo 2009-kii ayaa afduubtay maraakiib ay lacago madax furasho ka qaateen.

The post M/Yurub: “Wali way jirtaa khatarta burcad-badeeda Somalia” appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this