Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshihii AL-SHABAAB ee sanadkii 2011 qorshaha Amisom 2019 (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – AMISOM ayaa labo maalin ka hor ku dhawaaqday inay wax ka badalid ku sameysay qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo ka socdo Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007.

Warbixin lagu daabacay bogaga lagu faafiyo wararka Al Shabaab ayaa looga hadlay isbadalka ku yimid hanaanka howlgalka AMISOM u wajayaan Al Shabaab.

Isbadalka oo uu ku dhawaaqay taliyaha cusub ee AMISOM ayaa ka dambeeyay kadib kulan muddo afar maalin ah talisyada AMISOM uga socday magaalada Muqdisho, waxaana khabiirada dhanka amaanka ay sheegayaan inay arintaasi muujisay hoos u dhaca rajada AMISOM.

Al Shabaab ayaa sheegay in qorshaha AMISOM uu u muuqdo mid ay qaateen sanadkii 2011, kaasi oo ahaa mid ku dhifo oo ka dhaqaaq ah, waxaana ku xigay qorshe kale oo Al Shabaab ay qaateen sanadkii 2015, kaasi oo ahaa in weeraro qorsheysan lala eegto saldhigyada AMISOM.

Kadib waxay weerareen saldhigyada ciidamada Kenya, Uganda, Burundi iyo Ethiopia ay lahaayeen gobolada Hiiraan, Shabeelaha Hoose, Baay iyo Jubbada Hoose.

Khuburada dhanka amaanka ayaa sheegaya inaysan sahlaneyn in AMISOM ay dhaqan geliso go’aanka ah inay yareeyaan ciidamadii tirada badnaa ee weerarada u geysan jiray Al shabaab.

Maadaama AMISOM aysan aheyn jabhad dagaalameysa waxaa adkaan doonta inay u dhaqmaan sida Al Shabaab oo kale.

Sidoo kale khabiirada ayaa sheegaya in AMISOM ay ku adkaan doonto inay weeraraan saldhigyada Cayiman ee Al Shabaab kadibna ay kusoo laabtaan xarumihii ay ka dhaqaaqeen, maadaama shaqada laga doonayo ay tahay inay magaalooyin horleh qabsadaan.

AMISOM ma heystaan diyaarado gaar ah iyo ciidamo u tababaran sida KUMAANDOOSKA, waxaana taasi ay noqon doontaa caqabad kale, iyo inay u baahdaan mashruuc kale oo dhaqaale kale ay ku helayaan.

Arinta Shakiga badan keeneyso ayaa ah bixitaanka ciidamada Burundi la filayo inay dalka ka baxaan bishaan dhamaadkeeda oo aan lasii cadeyn cidda badali doonto iyo taliyaha cusub ee AMISOM oo u dhashay Ethiopia oo doonaya inuu aragti cusub ku hogaamiyo AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this