Sign in to follow this  
Deeq A.

AlShabaab oo madaafiic ku weerartay saldhiga Bar Sanguni

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerar madaafiic ay ku qaaday saldhiga ciidamada dowlada iyo kuwa Jubaland ee degaanka Baar Sanguuni oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayay sheegtay xarakada Shabaab in uu ka dhashay duulaankaasi, wallow aanan la hubin tirada saxda ah.

Dadka degaanka ayaa soo warinaya in xaalada ay saaka tahay mid degan, islamarkaana ciidamada ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan.

Maamul goboleedka Jubaland illaa iyo haatan kama uusan hadlin weerarka saacadihii lasoo dhaafay lagu beegsaday saldhiga degaanka Bar Sanguuni.

The post AlShabaab oo madaafiic ku weerartay saldhiga Bar Sanguni appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this