Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab xalay qabsaday xarun ganacsi oo ku taalo Galkacayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Galkacayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Dab xalay qabsaday kaalin Shidaal oo ku taala koonfurta magaalada Galkacayo, ee xarunta gobolka Mudug.

Dabka oo aanan la ogayn waxa dhaliyay ayaa la sheegay in uu geystay khasaaro u badan mid hantiyadeed, iyada oo aanan jirin cid wax ku noqotay.

Gurmad baaxad leh oo ay ku jiraan gaadiidka dab-damiska oo ka kala yimid koonfurta iyo waqoyga magaalada ayaa dhalisay in lagu guuleysto daminta dabkaasi.

Maamulka degmada ee ka kala tirsan maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa uga mahad-celiyay shacabka doorka ay ka qaateen baq-tiijinta dabkaasi.

The post Dab xalay qabsaday xarun ganacsi oo ku taalo Galkacayo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this