Deeq A. Posted February 15, 2019 Boosaaso (SMN) – Muxyadiin Axmed Muuse, taliyaha Booliska maamul goboleedka Puntland ayaa faray shacabka in ay dowlada hoose ku war-geliyaan cida ay guryaha ka kireynayaan. Ujeedka ay ka leeyihiin talaabadaan ayuu ku qeexay adkeynta amniga iyo in laamaha amaanka ay helaan xogta cida kusoo korodhay magaalooyinka waawayn ee dowlad goboleedkaasi. Taliyaha ayaa daboolka ka qaaday in ay sharciga la tiigsan doonan cid kasta oo ka dhago adeegta fulinta amarkaasi, oo uu ku tibaaxay in uu yahay mid kama dambeys ah oo ay qaataan. Hadalka taliyaha ciidamada Booliska Puntland ayaa kusoo aadaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay sameynayeen xoogaga maamul goboleedkaasi howlgalo lagu sugayo nabad-gelyada. The post Taliska Booliska Puntland oo amar kusoo rogay shacabka appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites