Sign in to follow this  
Deeq A.

Caruur ku dhimatay qarax ka dhacay gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Galgaduud (SMN) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya caruur ay aalad ay ku cayaarayeen kula qaraxday degaanka Xaraale ee gobolka Galgaduud.

Lama oga waxa qaraxa dhaliyey, waxaase loo badinayaa in ay tahay miino halkaa lagu aasay xilligii colaaduhu ka jireen halkaasi.

Daahir Yuusuf Dhago-badan, gudoomiyaha tuuladaasi hoostagta maamulka Galmudug ayaa sheegay in hal Ubad uu ku dhintay, mid kale uu ku dhaawacmay.

Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa raaciyay in midka dhaawaca loola caray Isbitaal ku yaala degmada Caabud-waaq si xaaladiisa wax looga qabto.

Dadka degaanka ayuu ka dalbaday in ay ka feejignaadaan dhacdooyinka ah, ayna ku cayaarin aaladaha aysan aqoon u lahayn.

The post Caruur ku dhimatay qarax ka dhacay gobolka Galgaduud appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this