Deeq A. Posted February 15, 2019 Muqdisho (Caasimada Online)-Labadii bil ee lasoo dhaafay dabkii ugu badnaa ayaa ka kacay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah degmooyinka gobolada dalka, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha soo celceliya dabka. Suuqa Bakaaraha oo labo jeer gubtay, Suuqa Madiina, Suuq Bacaad, Dhismo barakacayaal oo ku yaala Kaxda iyo guri ku yaala degmada Waaberi ayaa gubtay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan 2019. Degmada Baardheere, Degmada Jowhar iyo magaalada Gaalkacyo ayaa kamid ah goobaha ka baxsan Muqdisho ee dabka uu ka kacay, waxaana badankood goobaha gubtay la sheegay in dabka ka bilowday Koronto. Inkastoo Qadarta Alle qoran tahay haddana, Fiilooyinka korontada magaalooyinka qaar oo aan hagaagsaneyn iyo feejignaan la’aanta dadweynaha ayaa sababa in dabka uu kusoo laalaabto gobolada dalka Soomaaliya. Xilligan la joogo oo dabeylo badan ay dhacaan ayaa ah xiliyada ugu badan ee dabka uu ka kaco gobolada dalka Soomaaliya, waxaana aad u yar meelaha qaar gaadiidka dabka lagu damiyo. Dabkii ugu dambeeyay ee ka kacay kaalin shidaal oo ku taala magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay inuu sababay inuu ku faafo meelo badan, wxaana markii dambe shacabka labada dhinac ee magaalada ay ku guuleysteen inay damiyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites