Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuqaalka Al Shabaab qarax gaari ku xiraya oo la helay (Daawo)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa is weydiin mudan sidiee Muuqaalka Hay’adaha amaanka ku yimid baraha bulshada, iyadoo aysan soo baahin muuqaalkan la helay laamaha ku shaqada leh kaamirooyinka qarsoon.

Muuqaalka waxaa ka hoos hadlaya dumar badan, waxaana muuqata inay mobeyl ku duubeen xilli dhalo laga duubayay, iyadoo ay meesha ka muuqato in ka hor laamaha amaanka ay dumarkaasi muuqaalka banaanka keeneen.

Waa ruux dhalinyaro ah oo wata dhar midabkiisu Jaale u badan yahay, waxaana hor socota gabar yar oo u muuqata inaysan waxba kala socon dhagarta uu maleegayo ruuxa ka muuqda muuqaalka.

Laamaha amaanka ayaa sidaan oo kale waxaa horay looga helay labo muuqaal oo kala ahaa Qarax ka dhacay agagaarka dekada Muqdisho iyo qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, balse qaraxii Soobe ayaa u muuqday mid ku talo gal loo baahiyay.

Al Shabaab ayaa adeegsada habab kala duwan oo gaadiidka ay ugu dhajiyaan waxyaabaha qarxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this