Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo madaafiic ku garaacay Saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin J/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay Al Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Tiro madaafiic ah ayaa la sheegay in Al Shabaab ay ku garaaceen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo marar badan Al Shabaab ay weerareen.

Ma jirto xog rasmi ah oo laga helayo khasaaraha ka dhashay weerarka madaafiicda ah ee Al Shabaab ay ku garaaceen saldhiga Baar Sanguuni, balse Al Shabaab ayaa baahiyay in ciidamo ay ku dileen weerarka.

Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerarka Madaafiicda ah ee ka dhacay saldhiga Baar Sanguuni, waxaana Al Shabaab ay sheegeen inay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa saldhiga.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegay inay sameeyeen howlgal Isbaari qaadis ah, iyaga oo sheegay in ciidamadii ku sugnaa inta u dhaxeyso Tixsiile iyo Warmaxan ay ka saareen goobtaasi.

Marka laga yimaado sheegashada Al Shabaab ma jiro wax faahfaahin ah oo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ka bixiyay weerarada Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this