Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo wajahaya Kacdoon Shacab iyo Xisbiyadda Somaliland oo abaabul bilaabaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online)-Xisbiga Wadani oo kamid ah xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si adag kaga hadlay xaaladaha ka jira deegaanada Somaliland iyo kacdoonka Shacab ee ay ku abaabuli doonaan madaxweyne Biixi.

Xoghayaha Duulista Hawada ee xisbiga Wadani Nuuradiin Ibraahim Aw Cabdi ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye Mudadii todobada sano ee lasoo dhaafay uu Somaliland geliyay heshiisyo aysan qaadi karin.

Wuxuu tusaale usoo qaatay heshiiskii Somaliland la gashay Imaaraatka Carabta, kaasi oo ay kula wareegeen dekada Magaalada Berbera, isaga oo sheegay in dhaqaalaha ku baxay heshiiskaasi inaan looga faa’ideyn Shacabka Somaliland.

Nuuradiin Aw Cabdi, ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in deegaanada Somaliland abaaro ay ka jiraan, iyadoo Shan Milyan oo lagu qaatay heshiiskii Dekada Berbera aan looga faa’ideyn shacabka.

Wuxuu sheegay in hadda ay abaabuli doonaan kacdoon dadweyne oo ka dhan ah maamula madaxweyne Muuse Biixi, islamarkaana ay doonayaan in shacabka ay ka dhiidhiyaan dhibaatada ay Somaliland u horseedayaan madaxda Kulmiye.

Arinta kale ee cajiibka ah ayuu sheegay inay tahay in Imaaraatka Saldhig laga siiyay Berbera iyadoo aan wax lacag ah laga qaadin.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this