Deeq A. Posted February 15, 2019 Tiro maleh wasiirrada, heer federaaal iyo heer maamul goboleed. Waxii xil shaqo ah ayaa nin kale xarago ka dhigtay. In kabadan todobaatan wasiir ayaa qeyb ka ah dowladda federalka, waxaa iyagana ka dhicin maamul golboleedyada oo wasiirradu kor u dhafayaan kontameeyo. Haddii aanan gafsaneyn, malaha Soomaaliya waa dalka ugu wasiirada badan aduunka! Qaar qabiil lagu soo xulay, kuwa xigto lagu keenay, qaar qancis lagu soo magacaabay, saaxiibtimo kuwo lagu soo dhoweysatay iyo kuwo gaashaan laga dhigtay, intaba qeyb ayey ka yihiin. Waxaa adag inaad aragto wasiir loo magacaabay majaal takhasuskiisa ah. Taas kasoo horjeedkeeda, nin beeraha soo bartay baa waxbarashada wakiil ka ah, mid ganacsiga yaqaanna baa gadiidka cirka iyo dhulka loo magacaabaa, mid weriye ah baa amaan iyo arrimihiisa wasiir kaaga noqda. waxaase taas kaaga daran mid taksiile ahaan jiray marka wasiir loo magacaabay. Maxay la yaab bay kugu noqon, haddii mid bajaajle ah wasaaradda beeraha mas’uul loogu dhigo?! Waa ugub aduunyadu, shaqsi majaal aan takhasuskiisa aheyn shaqo loogu dhiibo. Haddii ay dhacdana lagama fisho miro dhal badan. Soomaaliyase, wixii nin xil moodo ayaa ninkale xarrago mooda. Maxay wasiirradana tirada badan qabanayaan?, xageese mushaarkooda laga keenayaa? Madaxda Soomaalida, inta badan xil magacaabida kuma xushaan aqoon, bedelkeed, waxay uma magacaabaan, qabiil qancin, saaxiibtinimo, xidid iyo xigto hoose. Hadaba waxaan is weydiiyay, sartu xageey ka qurunsatahay? Maxaa howl ninkeeda heegan yahay mid aan la hubin loo hormarinayaa? Ma shaqadaan daacad loo aheyn, mise dano kala ayaa ku hoos duugan? Ninba wuxuu doonuu garaadkiisu leeyahaye, waxaa muuqata in siyaasiyiinta Soomaalidu aysan weli dowladnimada u bisleen, shacabkuna yahay halka ay dhibta ugu weyn ka taagantahay. Taasna iskama lihiye bal sii wad aqriska. Inkastoo, Soomaaliya aysan shacabku waxba dooran, laakin hadana waxaa jira odayaal dhaqameedyo beelaha soomaalida wakiillo uga ah. Tusaale ahaan, marka lasoo xulayo xildhibaanada waxaa soo xula odayaal ka mid ah beelaha kuwaasoo ay soo wakiisheen shacabka beelahaas walow aan lagu soo xulin wax sharci ah, hadana ninba ninkuu ka afmiishaarsanyahay ayuu beesha uga muuqdaa, waxayna taasi keentay inay xildhibaan u doortaan hadba kii jeebkooda u buuxiya, laakin aan wax dan iyo heelo laga gelin waxa uu dadka iyo dalka tarayo. Marka ay sidaa dhacdo, xildhibaankana uu ogyahay wadaduu xilka ku helay, si la mid, wuxuu marayaa wadadii lagu soo doortay, isagoo dooranaya hadba midka jeebka u buuxiyo, isagoon wax dan iyo daarad ka gelin masiir umadeed. Madaxweynaha la doorto, wuxuu maanka ku hayaa cida dooratay, sababta ay ku doorteen, iyo kuwa doortay sababta ay iyaga laftigooda kursiga ku heleen iyo kuwa ka danbeeya. Marka ay sheekadu halkaa mareyso, wuxuu mid weliba maskaxda ku hayaa inaysan jirin cid la xisaabtami karta. Wuxuuna is leeyahay wixii aad sameyso dhibaato kaasoo gaarimeyso oo Deero, Deero kale u herdiyimeyso. Kii isku dayana, waaba haddii uu jiree, ma tabar badna. Waxay taasi keentay, mar haddii madaxweynuhu aanu ka baqeyn cid la xisaabtanta, xildhibaanku uusan walaac ku haayin odayaashi u caleemo saaray. Dowladnimadi waxay iska noqotay nin walbow dhankaaga ka dhaanso, adeegyadii shacabkana waxaa mas’uul looga dhigay mid aan mudneyn, tiiyoo ay dheeratahay inuu mid weliba maanka ku hayo siduu afarta sano xigta xilka ugu soo laaban lahaa. Aan soo yareeyee, madaxdu dhaliisha malaha. Halka ay dhibaatadu ka dhamaan la’dahay waa shacabka oo kursiga dowladnimada keensada mid aan tooda iyo tan umadda kale aan wax tarin. Goof maran malab lagama gurtee, shacabka waxaa la gudboon inay ka fakaraan sidii ay ku turxaan bixin lahaayeen tacaaladan ay gacmahooda ku toleen. W/Q: Abdinasir Safaana Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites