Sign in to follow this  
Deeq A.

Caqabadda ugu weyn oo hor-taagan Saciid DENI

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa horyaala shaqooyin badan oo u baahan in si taxadar leh uu kaga fiirsado dhaqan gelintooda iyo hanaanka loo marayo.

Caqabadaha ugu adag ee horyaala ayaa ah amaanka deegaanada Puntland, gaar ahaan dhanka buuraha oo hadda Al Shabaab iyo Daacish ay isku heystaan, iyada oo koox walbaa ay dooneyso inay awood gaar ahaaneed ku yeelato dhanka Buuraha.

Kadib marka golaha wasiirada ee uusoo dhisay madaxweyne Deni helaan codka kalsoonida ee baarlamaanka, waxaa hortaala shaqooyin adag, waxaana ugu horeeya in madaxweynaha iyo golahiisa isla fahmaan dhaqan gelin balanqaadyadii uu sameeyay xiligii olalaha doorashada, waana kuwo reer Puntland isha ku wada hayaan wuxuu ka fulin doono.

Arrinta kale ee u baahan inay isku fahmaan isaga ku xigeenkiisa iyo golaha wasiirada ayaa ah hanaanka ay ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya oo la rumeysan inay mashaariic badan ka hor istaagtay Puntland intuu xilka hayay madaxweyne Gaas.

Haddii madaxda ugu sareyso isku fahmaan hanaanka ay ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya, waxay ka badbaadi doonaan qalalaaso siyaasadeed oo ay galaan, taasi oo caqabad ku noqota howlaha horyaala.

Caqabadda hadda kusoo korortay madaxweyne Deni ayaa ah dhanka amaanka ajaaniibta ka howlgasha deegaanada Puntland, waxii ka dambeeyay markii Paul Farmoso lagu dilay dekada magaalada boosaaso.

Qaabka uu u wajaho fulinta heshiisyadii uu saxiixay madaxweyne Gaas iyo qancinta beelaha uu albaabada ka xirtay xiligii soo xulista golaha wasiirada ayaa sidoo kal qeyb ka noqon doonto in maamulkiisa guuleysto.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this