Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahdi Guuleed oo si yaab leh u dhigay axsaanka ay dunida u fasho Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Soomaaliya heysta sanadihii ugu dambeeyay iyo in Soomaaliya ay leedahay saaxiibo dhow.

Mahdi Guuleed ayaa ugu horeyn sheegay in soddonkii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya inaysan laheyn wax saaxiib dhow ah oo ka hor istaaga in marxaladda lagu jiro lasoo gaaro, balse caalamka oo dhan ku fiirsanayeen marxaladihii lasoo maray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda ay Soomaaliya leedahay saaxiibo kooban, islamarkaana wali aysan yeelan saaxiib xabadka u dhigta ama ka hor taga in dhibaatooyinkaan laga baxo.

Ra’iisu wasaare ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale sheegay in dalalka caalamka ee hadda taageerada u muujinaya Soomaaliya inay dantooda ka dhex arkeen Soomaaliya, sidaasina ay u caawinayaan.

Dan amaan iyo mid dhaqaalo ayuu sheegay dalalka caalamka inay ka leeyihiin Soomaaliya, taasi oo keentay inay taageero u fidiyaan Soomaaliya.

“Soddonkii Sano ee ay Soomaaliya burbursaneed Saaxiib laabta u tuma oo u gurmada waa lasoo waayay, Arinta Soomaaliyeed waxa ay ku sugan tahay Xabaal iyo Ninkeed loo kala tag, axsaan noguma aysan soo gurman ee dantooda ayaa ku jirta, Shartiina inay iska mooskaan ayay noogu soo gurmadeen”ayuu yiri Mr Guuleed.

Hoos ka daawo Muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this