Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo kulankii ugu horeeyay la yeeshay Guddiga Badbaadinta Hantida Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xasan Cali Kheyre uu la kulmay guddigii dhawaan uu dhisay ee badbaadinta iyo soo celinta hantida Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulankiisii ugu horreeyay maanta la qaatay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga talo ka siiyay hannaanka ay u gudanayaan waajibaadka laga doonayo, isaga oo ku dhiirri geliyay samaynta Istaraatiijiyd ku habboon dar-dargelinta mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga, ahna wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Goodax Barre, oo ka warbixiyay shirka ayaa sheegay in kulankooda maanta looga hadlay qorshaha waxqabadka guddiga ee sannadkaan 2019, ayna Ra’iisul Wasaaraha kula wadaageen hannaanka ay u qaabeeyeen shaqada ay qabanayaan.

Wasiir Cabdullaahi Goodax ayaa sheegay in guddiga iyo Ra’iisul Wasaaruhu ay isla garteen in shaqooyinka guddiga la haleeshiiyo tubaha qaranka iyo in wasaarad waliba ay sannadkaan gacanteeda kusoo celiso ugu yaraan sedax hanti dawladeed oo aan cid gaar ah gacanta ku hayn iyo laba hanti dawladeed oo gacanta ugu jirta shaqsiyaad ama shirkado gaar ahna, sidoo kalana isla sannadka gudihiisa laga shaqaysiisyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iidaystaan.

1-43.jpg 2-36.jpg 3-1.jpeg 4-29.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this