Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Uganda Oo Booqasho Ku Tagaya Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Uganda)-Madaxtooyadda dalka Uganda ayaa shaaca ka qaaday Madaxweyne Yoweri Museveni uu booqasho rasmi ah dhowaan ku imaanayo Magaalada Muqdisho.

President-Yoweri-Museveni-640x381.jpg

Yoweri Museveni ayaa Casuumaad ka helay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ay maalmo ka hor isku arkeen magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay kaga qeybgaleen shirkii 32-aad ee madaxda Midowga Afrika.

Lama sheegin xilliga rasmiga ah uu imaan doono, hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Museveni inuu Muqdisho yimaado.

Qoraal ay faafisay Madaxtooyada dalka Uganda ayaa lagu sheegay in markii Madaxweyne Farmaajo lagula taliyay inuu sameysto Ciidan iskood u shaqeysta oo Soomaali ah, kuwaasoo ah maleeshiyaad gobolada dalka laga soo kala xulayo.

Waxaa sidoo kale qoraalka dowladda Uganda lagu sheegay in muddo ku siman laba sanno gudahood lagu qarameen karo Ciidankaas, iyadoo lala kaashanayo Odayaasha qabaa’ilada ay ka soo jeedaan Ciidamada.

Ciidamada difaaca Uganda ee UPDF waxa ay hore u ahaayeen Maleeshiyaad Jabhad ah oo uu Museveni hoggaaminayay, Kuwaasoo markii uu tallada Uganda AFganbiga ku qabsaday ka dhigtay Ciidan Qaran, iyadoo sanadkan 2019 Uganda laga xusay sannad guuradii 38-aad ee ka soo wareegatay markii Ciidankaas la Qarameeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ka carootay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, kaasoo uu ku sheegay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka aan laheyn dowlad shaqeysa.

Uganda ayaa ah dalkii u horeeyay ee Ciidamo u soo diray Soomaaliya sannadkii 2007-dii, xilligaasoo uu bilowday howlgalka AMISOM, waa dalka ugu badan ee Ciidamo ka jooga Soomaaliya ee howlgalka AMISOM.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this