Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Taageeradii Millatari Ka Jaray Isbahaysiga Sucuudigu Ee Yemen Ka Dagaalamaya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Aqalka Hoose ee Mareykanka oo ay Dimuquraadiyiintu ku badan yihiin ayaa shaley go’aamiyey in in ay taageerada milatari ka jareen isbahaysiga uu Sucuudigu hogaamiyo ee Yemen ka dagaalamaya.

57AF81BA-2721-4963-98B6-70AB705F81D4_cx1

248 ayaa Haa ku codeysay qaraarka, halka 177-na ay Maya ku codeeyeen. Waa markii koowaad ee uu Aqalka Hoose ee Mareykanku uu isticmaaley sharciga Awoodda Dagaalka.

Tillaabadan ayaa waxa ku xigi doonta in Aqalka Sare uu asna cod galiyo sharcigan. Aqalka Sare ayaa qaadey tillaabo tan la mid ah 2018-kii, ka hore intii aan doorashadi xilliga dhexe ee Mareykanka aan la galin.

Mareykanka ayaa isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo waxaa uu ka caawiyaa dhanka sirdoonka dagaalka iyo saadka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this