Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari qarax laga shakiyay oo yaala Xamarweyne iyo mid kale oo qaraxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu xiray gaari nooca Harier-ka ah.

Ciidamada amaanka ayaa doonayay inay ka hor tagaan gaariga oo doonayay inuu xoog ku gudbo goob ay ku sugnaayeen ciidamada amaanka ee degmada C/Casiis, balse gaariga ayaa la sheega inuu markii dambe qarxay.

Lama sheegin khasaaraha uu gaarigaasi geystay, balse ciidamada amaanka la sheegay inay dhaawacyo kasoo gaareen gaariga ku qarxay markii baaritaanka sameynayeen.

Dhinaca kale wararka aan ka heleyno isgoyska VIA Roma ee degmada X.weyne ayaa sheegaya in halkaasi la dhigay gaari looga shakisan yahay inay ku xiran waxyaabaha qarxa.

Ciidamada amaanka ayaa dadka deegaanka u diidaya inay u dhawaadaan goobta gaariga la dhigay, waxaana lagu waramayaa in la xiray goobaha ganacsiga ee u dhaw isgoyska VIA Roma ee degmada X/Weyne.

Labadii maalin ee ugu dambeeyay qaraxyo kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood lala eegtay AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this