Jacaylbaro Posted February 19, 2008 hadhwanaag 2008-02-18 (Hadhwanaagnews) Ciidanka Booliska ee magaalada Laascaanood, ayaa xabsiga u taxaabay wiil iyo gabadh uu ka dhexeeyo xidhiidh jacayl aad u xooggan, kadib markii gabadhu qoyskooda ka xaday $ lacag dhan $500 (Shan boqol) oo dollar, isla markaana gacanta ka gelisay wiilka ay is-caashaqsan yihiin si ay isu mehersadaan. Waxa Khamiistii 14 February xabsiga magaalada Laascanood loo taxaabay wiil iyo gabadh is mehersaday, kadib markii si ay jacaylkooda uga midho-dhaliyaan ay gabadhu lacagtii guurkooda ka xaday qoyskooda. Sidaana waxa Jamhuuriya u xaqiijiyey saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. “Waxa la xidhay kadib markii gabadhu qoyskooda ka xaday lacag dhan $500 doollar, isla markaana gacanta ka gelisay wiilka jacaylku ka dhexeeyo si ay isugu guursadaan.” Sidaa waxa yidhi Taliyaha Laanta Baadhista Danbiyada ee Laascaanood Cali Jaamac Aadan oo weriyaha Jamhuuriya ee Gobolka Sool Mr. Gadari wax ka weydiiyey sababta loo xidhay lammaanaha is-caashaqay. Dhacdadan oo ah mid si weyn u soo jiidatay dareenka dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, kadib markii ay ciidanka Boolisku xidheen lammaanaha jacaylkoodu xadhigga u horseeday, isla markaana xidhiidhkooda jacayl soo ifbaxay markii ay wiilka iyo gabadha is-jeclaaday ay booliska ka dalbeen in qol lagu wada xidho. Wiilka iyo gabadha arrintani ku dhacday oo iyagu ka gaabsaday inay sheegaan magacyadooda, ayaa waxa uu wiilku gabadha ka codsaday si ay isu guursadaan inay lacag u soo qaado, kadibna gabadha iyo wiilka oo xidhiidh caashaq oo xooggani ka dhexeeyey, ayaa iyada oo qadarinaysa codsiga jacaylkeeda waxay u keentay lacag ay ka soo xaday qoyskooda oo cadadkeedu dhan yahay $500 (shan boqol) oo dollarka Maraykanka ah, kuwaas oo markii dambena isla baxsaday, kadibna isa soo mehersaday, dabadeedna waxay ku soo noqdeen magaalada Laascaanood. Haseyeeshee, markii qoyska gabadhu ******** in ay inantoodii iyo lacagtiiba maqan yihiin, ayaa baadhitaan kadib la soo qabtay, iyada oo markaa ka dibna labadoodaba lagu xidhay Saldhigga Dhexe ee Laascaanood, haseyeeshee markii la xidhayey waxay lammaanahani ka dalbadeen Booliska in aan lagu kala xidhin laba meelood ee isku meel lagu xidho, maadaama ay si weyn isu jecel yihiin. Arrintan oo ah mid aan nooceeda oo kale hore uga dhicin degaannada magaalada Laascaanood, ayaa noqotay mid aad loogu sheekaysto, isla markaana dadweynuhu si weyn u xiisaynayeen hadal-haynteeda. Waxaanay ku soo beegantay wakhtigii loo dabbaal-degayay maalinta loo bixiyey ‘Maalinta jacaylka adduunka’ oo ku beeganayd 14 bisha February 2008. Faaisa Cabdi Dhalac Lascanood, Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites