Sign in to follow this  
Deeq A.

Madax Kalaa ku saarane, Miyuu Kaagu Madhan Yahay (Abdi-Shotaly)?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxan halkan saaka idiinku soo gudbinayaa, maanso yar oo aan shalay unkay, taas oo magaceedda la yidhaaho ” Madax kalaa ku saarane, miyuu kaagu madhan yahay” oo micna-heedu yahay, adigu kama faa’iiday-satid, mana isticmaashid maskax-daadda, ee waa lagugu soo shubtaa ( Qabiil baa lagugu maamula weeye al-muhiim), maansadaas oo ku saabsan, si wacan kuugu qaadaa-dhigaysa, marxaladda uu maraayo dalku, siduu u baaba’ay, ee bakhtigu u xalaal yahay 98% dadkii, weliba uu idinku tiiq-tiiqsa-naayo askarigan jaahilka ahi ( Waa Raggii ma adigaa ka hadhaye), Horaa loo yidhi ” Dib jir duunyo ma dhaqo, ee haw digiiga-xanin” waa run oo waataas, aanay jirin meel uu saboolkii u ciirsado. dabaqado baa la

0516E791-BAA9-41F8-8A14-4C44CE69B0D8.png

abuuray xaafadaysan, ina dhulka baa lala dhacay, ma jiro maamul ummadi leedahay, iyo dawlad wax lagu sheegaa, ee waa qawlaysato iyo bud-cad ka sii xun, maafiyaddii Jaramalka ee la odhan jirey ” Badar-Minhoof”. kaaga darane sidaas baad weliba ugu sacab tumaysa, calaa-shaan isku reer hebel baanu nahay. adiga oo aan kala garanayn waxad doonayso iyo waxad diidayso, waayo’argnimo iyo wixii aad soo martay-na ka doortay reer hebel, Waxan kuu sheegayaa subaxan saaka ah, marka aad eegto sidda wax loo wado, waxad arkaysaa in ay tan u dhamaatay, oo hadda ay daawaha ku eryeyso buurtii Daallo dhaka-deeda, oo kolba jar aan loo fadhiyin ay isku qaadayso, goor aan sidaas u sii ridnayna, uu kala boodi doono haadaan aan ka soo noqosho lahayn.

Muraad-kaaga gaarka ah, Abid miyaad ku noolaan?

Danta guudna meel baas, Ka maguuji aad odhan?

Maan-kaaga soo deji, Marna miyaanad garanayn?

Maska aqalka galayee, Milikh-siga u baro baxay,

Hadaan madaxa laga dilin. Maalay qadhaadh iyo,

La waraabin dacar milan. Madfac lugaha lagu goyn.

Marsaddii Berbera iyo, Waar Mee Garoonkii?

Madax kalaa ku saarane, Muyuu kaagu madhan yahay?

Meeshuu istaagaba, Hadaan miino sare kicin,

Muruq xoogan lagu deyin. Midi Beerka lagu jarin.

Carrab-kana musbaar iyo, miishaarta laga marin.

La muquunin cadaw-giyo, Doqon kuu mashxaradoo,

Miciin-kaaga moodoo. Nacab hoosta kaga maran.

Marsaddii Berbera iyo, Waar Mee Garoonkii?

Madax kalaa ku saarane, Miyuu kaagu madhan yahay?

Macaansadda cad quudheed. Ku macaasha cayn-kaas.

Masaariif ku qaatoo, Kugu maqan adigoo qudga.

Marna aan ku dhaafayn. Gacal-kana makaloo,

Furanaaya maatadda, Macaluushu laysoo,

Makhrib-kiyo habeenkii, Maalin weyn dharaartii.

Marsaddii Berbera iyo, Waar Mee Garoonkii?

Madax kalaa ku saarane, Miyuu kaagu madhan yahay?

Manfac uu calaaliyo, Wuxu dhuunta mariyiyo,

Raadi-naaya macal baa, Masaakiinti dhacayoo,

Xaafadaha ku meeroo, Dheryihii murdinayaa,

Hantiddii ka madhiyoo, Dhiig miiranaayaa

Muska kuugu jira’oo, Muslimkii dhameeyee,

Marsaddii Berbera iyo, Waar Mee Garoonkii?

Madax kalaa ku saarane, Miyuu kaagu madhan yahy?

Mawlaw ka soo Gaadh. Ma naxaankan nagu degay.

Muudsay arliga’ee, Muuse-cagaley daayoo,

Mulacuna ka nabad gelin,Malaw-giyo qudhaan-jadda,

Mukulaal kol ay tahay, Kala baxay Mudkii iyo,

Saantii maqaarkee, Cunaa aan la marin jiirin.

Marsaddii Berbera iyo, Waar Mee Garoonkii?

Madax kalaa ku saarane, Miyuu kaagu madhan yahay?

Waxan ku soo af jaray, ruuxu hadaanu dhaayo furnayn, oo lagu maalo waynu is xignaa, maamul iyo dawladnimo ka dheer, umana jeedo, ee waa rabbi khalaq- wa-dalaq ( laguma dhaamee dhaqaaq), sidda askarta meesha ka koron-dhakhlaysa, markaa ma idin la tahay, dalkan iyo dadkan loo dhameeyey, in aynu ka badh qabano inta goori-goor tahay?, Mise idinka oo xaal-kiinu yahay, ha ka sii fara-qabsado, ka aanu isku beesha ka wadda nimi, baad rabtaa in aydin inta kale, is tidhaahaan ku maaweeliya riyo neefaaq, oo ah ka naga soo hor jeedaa Somaliya buu rabaa. Tan calan-keeddii wuu dhacaye, runta ha iskugu timaado. qaar derbi-yadda qurbuaha ka dhurma, oo fadhi ku dirir reereed ah, iyaka oo hebel reer hebel ku difaayaaya, bay hadana ku leeyihiin somaliland baad wax yeelay-saan, saw maaha aan keligay jaqo, ee weliba sidaas iigu sacab tun, dee ma yeelaayo, ee ha igu deyin, Maxaa ka dhigay qabyaala-daada Wadani-nimo? Tayda-na loogu sheegayaa tu reereed? Wax aynu isla garanayno, yeynaan iskula iman, ee bal doc isugu baydha, dhan-kaad doon-taanba waan idiin-la wadayaaye, laakiin joojiya cabaadka, iyo wadha-dhacdda idinka baxaysa, wax suuro-gala maaha, dabada-na xaar baan ku walaaqa-nayaa, af-kana boodh baan kuu soo marsanayaa. Sidaas cidda lagu khaldi karaa waa ayo? Bal hadda inoo dareeriya sidda aad rabtaan ( qabyaaladda), cidda caano gaari ahi ay ka daada-nayaan, ee wax ku la’ baa la arki doonaaye.

N.B Dib jir Duunyo Ma dhaqo, Ee Haw Digiiga-Xanin”

Qore:- Abdi-Shotaly

ashotaly5@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this