Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Labaad Oo Iska Casilay K/galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow uu is casilay wasiirkii Labaad ee ka mid ah maamulka K/galbeed.

Cali Aadan Macalin, wasiirkii wasaaradda deegaanka iyo duur joogta ayaa ku dhowaaqay in xilkaasi uu iska casilay.

Sababta uu isku casilay ayuu ku sheegay in beeshiisa aanay u qalmin xilkan loo magacaabay isaga waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waa wasiirkii 24 saac gudaheed iska casilo maamulka K/galbeed, iyadoo horey uu isku casilay wasiir ku xigeenkii wasaaradda gaadiidka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this