Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle Oo Digniin U Diray Ganacsatada Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   



Muqdisho(SMN)- Wasiirka wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay sharciga hor keeni doonaan ganacsato badan oo aan bixin canshuuraha ku waajiba.

Wasiir Beyle oo warfidiyeenka kula hadlay xafiiskiisa Muqdisho ayaa tilmaamay in ku dhawaad 20 shirkadood oo dalka ka howgala aysan mudo bixin canshuurihii looga baahnaa.

Sidoo kale wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhawaan dedejin doonaan sharciga maxkamad ay ku soo taagayaan shirkadaha aan bixin canshuuraha ay qaado wasaarada Maaliyada xukuumada Soomaaliya.

Hadalka wasiirka wasaarada Maaliyada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan tababar ku aadan casnhuur qaadista loogu soo xiray magaalada Muqdisho boqolaal ciidamo ah oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.



The post Wasiir Beyle Oo Digniin U Diray Ganacsatada Soomaaliyeed appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this