Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho Oo Xil Ka Qaadis Sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho(SMN)- War Saxaafadeed uu soo saaray gudoomiyaha gobolka Banaadir ana duqa muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cimaan Eng Yarisoow ayaa xilkii looga qaaday gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada dharkiinleey,gudoomiye ku xigeenka siyaasadaiyo laba gudoomiye waaxeed oo degmadaasi ka tirsanaa.

Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa lagu kala magacabaa Liibaan Geedi Cumar oo ahaa gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada dharkiinleey,Daa’uud Cabdulaahi Nuur gudoomiye ku xigeenka siyaasada iyo Maxamed Aadan Cismaan oo kamid ah labada gudoomiye waaxeed ee xil ka qaadista lagu sameeyay.

Lama oga sababta ka danbeysa xilka qaadista xubnahan ka tirsanaa maamulka degmada Dharkiinleey,balse wareegto maanta ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa xilalkii looga qaaday.

The post Duqa Muqdisho Oo Xil Ka Qaadis Sameeyay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this