Deeq A. Posted February 14, 2019 Berbera(SMN)- Hay,adda muhaajiriinta Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in dhawaan 140 ruux oo muhaajiriina Soomaali ah oo ka yimid dalka Yemen ay dib ugu soo celisay gudaha dalka. Sarkaal ka tirsan IOM ayaa xusay in qaxootigaasi doonidii siday ay si nabad gelyo ah ugu soo xiratay dekadda magaalada Berbera ee woqooyiga Soomaaliya Hay,adda ayaa sheegay in qaxootigaasi ay isagu jireen rag,dumar iyo caruur yar yar oo ku dhibaateysanaa dalka yemen oo colaada xoogan ka jiraan IOM ayaa sheegtay in rakaabka soo gaaray magaalada Berbera ay ka soo baxeen magaalada xeebeedka Cadan ee koofurta dalka Yemen Barnaamijkan dib u soo celinta qaxootigaasi Somalida ah ayaa waxaa iska kaashaday hay,addaha IOM,UNHCR iyo dowladda yemen. Afhayeen u hadlay hay,ada mujaarinta caalamka ayaa xusay in adeegyo caafimaad ay u sameyeen qaxootigaasi markii ay ka soo dageen magaalada Berbera. The post Qaxooti Soomaaliyeed Oo Dalka Dib Loogu soo Celiyay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites