Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne horey u aflagaadeeyey Somalia oo Muqdisho imanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Uganda ayaa sheegaysa in Madaxweyne Yuweri Museveni uu imaanayo Magaalada Muqdisho kaddib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Soomaaliya.

War ay baahisay Madaxtooyada Uganda ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Uganda uu booqasho ku tagi doono Magaalada Muqdisho kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Museveni ayaa waxaa uu kulan Magaalada Addis Ababa kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay in uu dhisto Ciidan Soomaali ah oo iskood u shaqeeya.

Waxaa uu sheegay in Ciidamadaasi dhismahooda kaddib iyada oo lala kaashanayo Odayaasha qabiillada ay muddo labo Sano ah noqon karaan Ciidan qaran.

Casuummadda Museveni ayaa lagu micneeyay in uu arko horumarka dhinaca siyaasadda,Dowlad wanaagga iyo ammaanka Soomaaliya ka jira.

Mr Museveni ayaa dhawaan isaga oo ka hadlayay Magaalada Kampala waxaa uu Soomaaliya ku tilmaamay dal aan lahayn dowlad shaqeysa, taas oo uu dhaleeceyn badan kala kulmay dadka Soomaalida ah inkasta oo dowladda Federaalka aysan jawaab rasmi ah ka bixin hadalka Museveni.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this