Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maaliyadda oo hanjabaad culus usoo diray shirkado diidan bixinta canshuurta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inay jiraan Shirkado waa weyn oo aan canshuurta dowladda bixin.

Mr Beyle ayaa sheegay inay jiraan illaa 20 shirkado oo aan canshuur bixin, isagoo u digay shirkadahaa, kuna wargeliyay in haddii ay bixin waayaan ay sharciga ku kala baxayaan.

Waxaa uu sheegay in aanay haatan sheegi doonin ganacsatada iyo shirkadaha aan canshuurta bixin, balse marka xiga ay soo bandhigi doonaan.

Sidoo kale waxaa uu uu sheegay in wada hadal u socdo shirkadaha aan canshuurta bixin, waxaana uu ugu baaqay inay iska bixiyaan canshuurta ku waajibtay sida uu yiri.

“Waxaa jira shirkado waa weyn oo labaatameeyo aan canshuur bixin, waa idin digeynaa canshuurta bixiya, haddii kale waa idin magac *****aa, sharciga ayaa ku kala baxeynaa”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dowladda Soomaaliya ayaa dakhliga ugu badan waxay ka soo gashaa magaalada Muqdisho, waana halka kaliya ee canshuurta looga qaado shacabka, hadana ma jirto in canshuurtaas dib loogu celiyo shacabka, looguna sameeyo adeegyada aas aasiga ee ay u baahan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this